Xiisad Saakay ka taagan Magaalada Caabudwaaq Ee Gobolka Galgaduud

0
45

Wararka ka imaanaya Degmada Caabudwaaq ee Waqooyiga Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Saaka Magaalada ay ka jirto Xiisad dagaal oo u dhexeysa Labo Maleeshiyo oo Magaalada wada dega.

Degmada ayaa Shalay waxaa ka dhacay Dagaal u dhexeeya Labo Maleeshiyo, waxaana ku dhintay illaa 6 Ruux,halka in ka badan 10 kale ay ku dhaawacmeen.

Odayaasha Magaalada Caabudwaaq ee Gobolka Galgaduud ayaa wada dadaalo lagu Xalinayo Xiisadda islamarkaana looga hortagayo dagaal mar kale dhaca.

Dagaalka Degmada ka dhacay ayaa ah mid ku soo laab laabtay Sanadihii dambe,mana jirto Xal waara oo Dagaalkaas laga gaaray.

LEAVE A REPLY