Mareykanka oo Muwaadiniintiisa uga digay in ay u Sarfaan Soomaaliya

0
48

Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in Halis Ammaan daro ay ka jirto Gudaha Wadanka Soomaaliya islamarkaana uga Digtay dadka Haysta Dhalashadeeda in aysan u Safrin Soomaaliya oo ay ku jiraan Degaanada Puntland iyo Somaliland,

Qoraal ka soo baxay Wasaarada Arrimaha Dibada Maraykanka ayaa lagu sheegay in muwaadiniinteeda aysan heli karin caawimaad maadaama safaarad rasmi ah oo Maraykanku leeyahay ku oolin gudaha dalka Soomaaliya.

Digniintan ayaa lagu sheegay in si gaar ah ay halis argagixiso uga jirto goobaha dadka ay isugu yimaadaan iyo meelaha ay dadka Reer Galbeedka tagaan oo ay ku jiraan garoomada diyaaradaha, hoteelada iyo meelaha laga dukaameysto.

Waxaa sidoo kale muwaadiniinta Mareykanka looga digay inay ku safraan meelo ku dhow xeebaha Soomaaliya sababo la xiriira halista kooxaha burcad badeedda Soomaaliya.

Digniintan cusub ayaa baddeleysa tii wasaaradda ay horey usoo saartay ee ku taariikheysneyd 24 May 2016. Waxayna digniintan ku soo beegantay xilli doorashada dalka Soomaaliya ka dhacayso waxaana dowlada Soomaaliya iyo ciidamada nabad ilaalinta AMISOM ay kordhiyeen feejignaantooda iyadoo laga cabsi qabo in ururka Alshabaab uu weeraro ka geysto goobaha ay doorashooyinku ka dhacayaan.

LEAVE A REPLY